Sidee loo raali galiyaa qofka aad jeceshahay?

 Sidee loo raali galiyaa qofka aad jeceshahay?

Runti way adag tahay inaad qofkaad jeclayd raali galiso. hadaadan garanaynin sida loo raali galiyo lamaanahaada.


Qofka markuu xanaaqo waxaa macquula in afkiisa ka soo baxaan waxyaabo aan wanaagsanayn.


Hadaba markaad samayso khaladkan oo kale, uma baahnid wax kale. kaliya waxaad u baahan tahay inaad raacdo talaabooyinkan aan kula wadaagi doono.



Erayo raali galin ah

Hadaad tahay qofka khaladka galay, waa kuwan talaabooyin kaa caawinaya. inaad ku guulaysato in khaladkaadi lagaa cafiyo.


Markaad khalad samayso, isla-markaaba ha isku-dayin inaad raali galiso lamaanahaada. aad jeceshahay, oo waxaad sii waqti.


Haday rabto ha-qaadato maalmo, laakin yeyna ka badanin labo maalmood oo kaliya.


Intaas kadib isku-day inaad lamaanahaada u qorto, erayo naxariis badan. oo markay akhriso ama uu akhriyo, qalbigiisa gilgilaya. Erayo jaceyl oo ay ka buuxaan amaan iyo erayo raali galin ah. sida kuwa hoos ku xusan oo kale.


Qaali, nolosha iney macaan iyo kharaar tahay Makala saari karo, adiga la’aanta. Mana qiyaasi karo siday xaaladaydu tahay intaad iga aamusan tahay.

Waxaan noqday sida guri laydhku ka maqan yahay oo mugdi ah. been kuuma sheegayo, runti ma garanayo marki ugu dambaysay een cuno cunto.

Waxaana noqday bukaan socod, adiga dartaa. Mana lahayn jacaylkaada ayaa intaas oo dhan kaa aamusnaan kara.

Ma ogtahay intaad iga aamusnayd. laabtayda waxay yeelatay dhaawac aad adiga oo kaliya daawayn karto.

Qaali, macaan, qurux, noloshaydi codkaadi waan u xiisay. Hadaad naftayda rajo ka leedahay, sida ugu dhakhsaha badan igula soo xidhiidh. adigoo I cafiyay.

Kama daali doono inaan ku dhaho iga raali noqo macaan bada, maxaa yeelay waxaa tahay qof igu wayn.

Waana ogahay inaan wax u dhimay kalsoonidaad igu qabtay iyo dareenkaada. laakin waxaan ogahay wali, inaad si dhab ah adiga kuu jeclahay.

Xaq ayaad u leedahay inaad ii xanaaqdo, laakin ha ilaawin inaan ka xumahay wixi dhacay. waxaadna tahay mustaqbalkaygi iyo noloshaydi.

Wax kasto oon sameeyay eedeeda waxaa iska leh aniga. mana garanayo waxaan ku jawaabo, hadaad I waydiiso siday u dhaceen.

Aad ayaana uga xumahay dhaawaca aan u gaystay naftaada. waxayna igu tahay murugo iyo walbahaar joogta ah.

Laakin xasuusnow inaan markasta diyaar u ahay raali galintaada. iyo waxkast oon ku heli karo farxadaada iyo kalsoonidaada.

Jaceylka dhabta ah een kuu qabo adiga, ma noqon doono mid halkan ku dhamaado. ee wuu sii jiri doonaa intaan nolahay.

Maray ku cafiso/cafiyo kadib



Erayadan ayaad lamaanahaada ku dhihi kartaa. markuu ku cafiyo si qalbigeeda aad uga masaxdo xanuunka.


Macaanto ma ogtahay, saacadi yarayd eed ii xanaaqsanayd, in jirkayga oo dhan gubanayay.

Runti xubi kaama maarmo adiga. saacad iska-daaye xataa il-biriqsi inaad dartay u murugooto ama u xanaaqsanaato ma-ogolaanayo.

Macaan anigaa kaa khaldan ee iga raali noqo, mar dambana khaladkan oo kale ma dhici doono.

Hadaad intaas si dabacsan oo jacayl ku-jiro ku dhahdo. qofkaad jeclayd ee kaa xanaaqsanaa. waa hubaal inaad dawaynayso qalbigiisa

 geraarjaceyl24.blogspot.com abwan xassan dagane

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

🗣️ **Death Boy – Pure Love**

Ereyo jacayl o dareenleh