Ereyo jacayl o dareenleh

 Jaceylka / Waa maxay

Erayo jaceyl erayo macaan oo shukaansi ah better

December 23, 2023 






Inaad hesho erayada jaceylka ee ugu haboon. Iyo inaad muujiso sidaad u danaynayso qofkas aad jeceshahay. Waxay noqon kartaa mid adag mararka qaar.


Hadaad rabto erayo jacayl oo xul ah. Ood u usticmaasho habab kala-duwan. Waxaan maqaalkan kugu soo-aruurinay, erayo macaan oo shukaansi ah. Oo ku haboon rabitaankaada.



Gabadhaada waa inaad dareensiisaa, inaad jeceshahay. Mana-jiro hab ka-wanaagsan, ood jaceyl ugu abuuri karto. Oon ka ahayn inaad u qurto erayo jaceyl oo aad umacaan. Waxay iftiiminayaan maalinteeda.


sidoo kale akhri


18 geeraar jaceyl oo macaan

Table of Contents

Waa kuwan 123 Erayo macaan oo shukaansi ah

Qofkasta wuu jecel yahay in lamaanihiisa ku dhaho. Ama u soo-qoro erayo jacayl ah. Siiba markaad ku jirtaan xidhiidh, ama shukaansi waa muhiim.


Markaad dareenkaada ugu muujiso erayo dabacsan, waji dhoolacadaynaya. Iyo amaan run ah. Waxay keenaysaa inuu adkaado wada-jirkiina.


Maqaalkan maanta waxaan kugula-wadaagaynaa, erayo jaceyl qalbiga u roon.


Isku-day eraydan inaad isticmaasho xiliga ugu haboon iyo goobta ugu haboon.


Erayo jaceyl oo soo jiidasho leh qoraal

Waa erayo macaan oo soo jiidasho leh, ood u diri karto qofkaad jeceshahay.


Maalintaydaad ii qurxisaa.

Kama daalo eegmadaada.

Ma-joojin karo inaan kaa fikiro.

Ma-rabo inaa ku waayo.

Waxkasta ayaad ii tahay.

Ma-jiro qofkaan u jeclahay sidaada oo kale.

Jecliyaa codkaada iyo aragaada.

Adiga waxaa tahay shaqsi ii qaas ah.

Farxadeyda midaada ayaan ka jeclahay.

Sideen u jeclaan karaa qof kale adigoo nool.

Erayo macaan oo jaceyl ah


Waan ognahay dhamaanteen, muhiimada ay-leeday. Inaad xaaskaada ama gacalisadaada u dirto. Erayo jaceyl qoraal ah, iyo inaad u muujiso sidaad u jeceshahay.


Hadaba waa kuwan erayo jacayl oo soo jiidasho leh. Kuwaas ood ku dhihi karto xaaskaada ama gacalisadaada.


waxaan ka-fikirayay sidaad cajiibka u tahay, ee adigana ogow.

Waligay ma-moodaynin inaan sidan oo dhan qof u jeclaan doono. Laakin adigaa imaaday, oo I aaminsiiyay.

Mararka qaar intaan ku fiiriyo ayaan rumaysan waayaa, inaan ku hantay. Maxaan sameeyaa si-aan u noqdo mid kuu qalma.

Maalinkasta oo kamida noolashayda, saacad kasta. Iyo daqiiqad kastaba qalbigayga, wuxuu ku dhawaaqayaa magacayga.

Adiga la’aantaa noolasha uma-qalanto in lanoolaado. Waxaan farxad iyo dhamaystirnaan dareemaa, markaad ila-joogto oo kaliya.

Markaan eegaba wajigaadan nuuraya. Iyo indhahaadan cajiibkaa. Waxaa igu sii-bata jaceylkaan kuu qabo.

Inaan kula-joogo, kula-hadlo oo kula-qoslo. Waa waxyaabaha badan een ku-dareemo farxada.

Erayo jacayl oo gaaban


waa erayo macaan oo gaaban oo xul. oo awood badan.



Sidaa tahay ayaan ugu jeclahay.

Waxaa tahay qofkaan ugu jeclahay dadka aduunka.

Waad I farxad galisaa.

Waxaan aad ugu faraxsanahy, inaan noolasha kula-wadaagay adiga.

Waxaa tahay hantidaydi, iyo waxa ugu qaalisan noolashayda

Naftayda way heestaa, markay aragto adigoo soconaya hortayda.

Markaan ku arkaba waxaan dhahaa alx.

Waxaa tahay cadceedii noolashayda.

Adigaan kaa fikiraa.

Adigaa i-leh.

Markasta qalbigayga ayaad ku-jirtaa.

Waan isku-nuuraynaa labadeena.

Waan nasiib badanahay, maadaama aan noolasha kula-wadaagay.

Maalintaan ku-bartay, waxay ahayd maalinti iigu farxada-badnayd.  

(Waxad kaheli kartaa link  gaan Google serjin

geraarjaceyl24.blogspot.com 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

🗣️ **Death Boy – Pure Love**

Sidee loo raali galiyaa qofka aad jeceshahay?